Hanaan Lyrics by BAASHE DELTA


Hanaan taan ka heleen u haraaday
Haybad iyo quruxdeedu ii hilaacday
Qalbigay hadhsatoo u hanqaarmay
Waa hubaaloo hadal keeda u riyaaqay

Hanaan taan ka heleen u haraaday
Haybad iyo quruxdeedu ii hilaacday
Qalbigay hadhsatoo u hanqaarmay
Waa hubaaloo hadal keeda u riyaaqay

Hubqaad keeda u bogoo hiloobay
Hufan weeyi hideheena u hanuunsan
Waa haldhaaye yaa haween ka dhawaysta
Halkay joogto ubax yaa yaa ku hadheeya
Halkay joogto joogto ubax yaa yaa ku hadheeya

Hubqaad keeda u bogoo hiloobay
Hufan weeyi hideheena u hanuunsan
Waa haldhaaye yaa haween ka dhawaysta
Halkay joogto ubax yaa yaa ku hadheeya
Halkay joogto joogto ubax yaa yaa ku hadheeya

Hankaygaa raacayoo u hogaansan
Naftaydana u huroo u hibeeyey
Wadnahay hanataan ku habaaye habaaye ku habaaye habaaye
Ayaa hoy ladagoo kol habsiiya

Hankaygaa raacayoo u hogaansan
Naftaydana u huroo u hibeeyey
Wadnahay hanataan ku habaaye habaaye ku habaaye habaaye
Ayaa hoy ladagoo kol habsiiya

Horjoogiyo dhabankeeda heeda saaran
Waa hooman hawd ku taala arageeda
Waa horyaalka hableheena yarta muuqa
Alow daa ii hoseeday hilin toosan

Horjoogiyo dhabankeeda heeda saaran
Waa hooman hawd ku taala arageeda
Waa horyaalka hableheena yarta muuqa
Alow daa ii hoseeday hilin toosan

Himilada noloshiyo waa hormuudoo
Heego u eeg qalbigaan ku hayaaye
Waa hirdoog leh aan la helin dhaaqa deeqa
Hayb wanaagsan Alow yaa yaa yaa huq ka dhawra
Hayb wanaagsan wanaagsan Alow yaa yaa yaa huq ka dhawra

Himilada noloshiyo waa hormuudoo
Heego u eeg qalbigaan ku hayaaye
Waa hirdoog leh aan la helin dhaaqa deeqa
Hayb wanaagsan Alow yaa yaa yaa huq ka dhawra
Hayb wanaagsan Alow yaa yaa yaa huq ka dhawra

Hankaygaa raacayoo u hogaansan
Naftaydana u huroo u hibeeyey
Wadnahay hanataan ku habaaye habaaye ku habaaye habaaye
Ayaa hoy ladagoo kol habsiiya

Hankaygaa raacayoo u hogaansan
Naftaydana u huroo u hibeeyey
Wadnahay hanataan ku habaaye habaaye ku habaaye habaaye
Ayaa hoy ladagoo kol habsiiya

Watch Video

About Hanaan

Album : Hanaan (Single)
Release Year : 2022
Added By : Baashe Delta
Published : Apr 27 , 2022

More BAASHE DELTA Lyrics

Comments ( 0 )

No Comment yet



About AfrikaLyrics

Afrika Lyrics is the most diverse collection of African song lyrics and translations. Afrika Lyrics provides music lyrics from over 30 African countries and lyrics translations from over 10 African Languages into English and French

Follow Afrika Lyrics

© 2024, We Tell Africa Group Sarl